duqa magaalada muqdisho oo lacag ku wareejiyey maamulka degmada hodan si wadooyinka loogu dhiso
|Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xusen Jimcaale Madaale ayaa maanta Boqolkun oo dollar ku wareejiyay maamulka Degmada Hodan iyo Gudigii ka shaqeeyay dib udhiska lagu sameeyay Wadad 26-ka Juun ee isku xirta isgoysyada Kaasa bobolaare iyo Shaqaalaha ee Degmada asi.
Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu xusay in lacagahaasi aysan ka imaan gacan shisheeye ,isla markaana dib u dhiska lagu sameeyay waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loo adeegsaday qarashaadka laga qaaday muwaadiniinta Soomaliyed
Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa duqa magaalada Muqdisho ugu mahad celiyay dhismaha wadada Shaqaalaha.
Waa wadadii afaraad oo uu maamulka Gobalka Banaadir ku sameeyay howl dib udhis ah,islamarkaana laami lagu saaray waddooyinkaasi iyadoo uu Gudoomiyaha Gobalak Banaadir sheegay in dhismayaasha wadooyinkaasi ay ku baxday in ku dhaw 10milyan oo Dollar