Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

fadhigii baarlamaanka maanta oo lagu kala kacay

Fadhigii ay isugu yimaadeen baarlamaanka federalka somaliya maanta ayaa lagu kala dareeray kadib markii ay soo xaadiri waayeen taliyayaasha ciidamada  Nabad sugidda iyo Booliska dowladda federalka somaliya si wax looga weydiiyo  amniga caasimadda oo faraha ka sii baxaya ,bilihii ugu dambeeyeyna qaraxyadu ku soo badanayeen.

Horay ayey u sheegeen xildhibaanadu inaa wax ajanda ah oo laga hadlayaa aaney jirin ilaa inta ay taliyaashaasi hor imanayaan baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa fasaxay wasiirka amniga ka dib markii ay taliyayaashu iman waayeen,horayna xildhibaanadu waxay u sheegeen inaan mid mid wax loo weydiineyn balse loo baahan yahay iney hal mar wada yimaadaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *