Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gaari Booyad ah oo la sheegay in Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo oo lagu qabtay deegaanka Sabiib

Wararka laga helayo deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ee shalay la wareegay deegaankaas ay qabteen gaari booyad ah oo lagu diyaarinayay qaraxyo.

Gaariga booyada ahaa ayaa qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday inuu noqon lahaa qaraxii ugu weynaa ee Al-Shabaab diyaariso.

Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa magaalada Muqdisho oo todobaadyadii u dambeeyay weeraro qaraxyo ay ka geysatay Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada dowladda oo ku aadan warkan sheegaya in gaari booyad qarax lagu diyaarinayay la qabtay.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa shalay la wareegay deegaanka Sabiib iyo tuulooyin ku dhow dhow oo Al-Shabaab maamulayeen, waxaana deegaankaas ka socday howlgallo baaritaano ah.

Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay qaraxyada ugu badan ka soo diyaariso deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan, waxaana la xusuustaa qaraxii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhacay 14 October ee sanadkii 2017 uu ahaa gaari weyn oo dhanka Shabeellaha Hoose ka yimid, kana soo gudbay koontaroolada Ex Koontarool iyo kuwo kale, kadibna ku qarxay isgoyska Zoobe

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *