Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhegeyso Gaas:” Waa in shacabka Soomaaliyeed helaan matalaad dhab ah”

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Gaalkacyo, kadib safar qaatay toban cisho oo uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo imaatinkiisa kadib shir jiraa’id qabtay ayaa sheegay inay Puntland weli ku dhagantahay mowqifkeeda ku aadan in laga baxo nidaamka wax u qeybsiga 4.5 islamrkaana ay rajo ku qabaan in doorashada soo socota aan lagu galin nidaamkaan.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan cadaalad islamarkaana ay yeeshaan matalaad dhab ah si looga gudbo 16 sano oo qabiil wax lagusoo xulayay.
Waxaa la filayaa madaxweynaha inuu kulamo gooni gooni ah la qaato waxgaradka iyo siyaasiinta ku sugan gudaha Puntland gaar ahaana Gaalkacyo isagoo kala tashanaya qorshaha 4.5 iyo sidii looga bixi lahaa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *