Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gargaar caalami ah oo ku qulqulaaya magaalada muqdisho taasoo ka timid dalka maraykanka iyo qadar

Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaanada ee la dhigayo Isbitaalada Sudan, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas.

Diyaaradan ayaa waxa ka horeeyay dullimaad ka yimid dalka Mareykanka oo siday deeq dawo ah oo loogu talagalay dadka ay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa.

Diyaarad sida gargaar dawo ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa goor dhoweyd soo caga dhigatay garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu waddaa in maanta ay yimaadaan diyaarado sidda gargaar caafimaad.

Shalay ayaa waxaa Muqdisho yimid diyaarado siday Dawooyin iyo dhaqaatiir oo laga leeyahay Jabuuti iyo Turkiga.

Wali waxaa soconaya gurmadka heerka caalami ah ee loo sameynayo dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *