Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

garoonka diyaaradaha adan cadde ee magaalada muqdisho oo ay dib uga bilaabmeen duulimaadyadii ka dib burburkii diyaaradda

Waxaa dib u bilaawday duulimaayadii garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ay maanta ku bur burtay mid ka mid ah diyaaradaha  Shirkada Bancraft oo ka soo duushay dalka Uganda.

Maareeyaha ku-xigeenka hay’adda saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in diyaarada ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Entebe ee dalka Uganda, waxaana ay waday Cargo, sida uu hadalka u dhigay.

Diyaarada oo markii hore la sheegay in ay lugaha u bixi waayeen ayaa markii danbe si qalad ah ugu degtay garoonka taasoo keentay in ay ku dhacdo dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka, iyadoo halkaa uu dab ku qabsaday, waxaana daminta dabka qabsaday diyaaradaha ka qeyb qaatay gadiidka dabdamiska ah.

Diyaaradii ku burburtay wadada diyaaradaha adeegsadaan ayaa laga qaaday goobta, sidda ay sheegeen dad ku sugan garoonka.

Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in hadda xaalada ay caadi kusoo noqotay islamarkaana dib ay u bilowdeen howlihii garoonka ka socday.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *