Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Go’aan Laga Gaaray Cidda Noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha Puntland Oo Khilaaf ka Taagnaa.

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa labaduba ku maqan safaro dalka dibadiisa, waxa ayna taasi keentay muran la xariira cida noqoneysa ku simaha Madaxweynaha marka ay dalka kamaqan yihiin Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Puntland oo saakay shir ku yeeshay Garawe ayaa go’aan cad kasoo saaray cida noqoneysa kusimaha Madaxweynaha Puntland marka ay dalka ka maqan yihiin Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Halkan ka Akhriso Go’aanka ay arintan kasoo saareen Baarlamaanka Puntland

KUSIMAHA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADU;

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

1. In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *