Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Golaha ammaanka oo ka digay in Al-shabaab iyo Daacish qorsheynayaan weeraro ka dhaca galbeedka Afrika

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay khatarta sii kordheysa ee ku wajahan nabadda iyo amniga qaaradda Afrika ee ka imanaya argaggixisannimada.

15ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa ku booriyay Wadamada xubnaha golaha ammaanka iyo nidaamka Qaramada Midoobay in ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu wajahayo dhammaan wadiiqoyinka sahla xagjirnimada.

Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay wadamada inay kobciyaan waxbarasho tayo leh oo ay siiyaan fursado shaqo iyo tababar xirfadeed oo loogu tala galay dhalinyarada laguna soo daro dhamaan heerarka go’aan qaadashada, taasoo gacan ka geysanaysa dadaalada ka hortaga shaqaalaysiinta argagixisada.

Madaxa siyaasada U.N. Rosemary DiCarlo ayaa waxay tilmaamtay in kooxda Al-shabaab oo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo Bariga Afrika iyo Daacish ay ku howlan yihiin sidii loo qaadi lahaa weerarro soo kordha oo ka dhaca Galbeedka Afrika, gaar ahaan Burkina Faso, Mali iyo Niger.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *