Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

golaha wasiirada oo uu shir gudoominaayey ku simaha raiisal wasaaraha cabdullahi axmed jamac ilka jiir ayaa kaga hadlay shirkoodii khamiista arimao muhiima

Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay Xaaladda Caafimaad ee dadkii ku wax-yeeladu kasoo gaartay Weerarkii Waxash-nimo ee Al-shabaab ay ku Qaadeen Hoteel Ambassador, Xaaladda guud ee Amniga dalka, iyadoo warbixino laga dhageystay Wasiiraddii Gurmadka gaarsiiyey shacabkii ay saameeyeen fatahaadda uu sameeyey Wabiga Shabeelle Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa Warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha  C/risaaq Cumar Maxamed, isagoo sheegay in Waxyeello ay ka soo gaartay Falkaas Arga-gixiso dad isugu jira shacab iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo askar. Wasiirka Amniga ayaa xusay in xiligii uu falkaas dhacayay goobtu ay ahayd mashquul isla markaana ay dadku u diyaar garoobayeen salaadda maqrib. Golaha Wasiirada ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee Hotel Ambassador, waxayna tacsi u direen ehellada dadkii Soomaaliyeed ee Falkaas uu saameeyay. Golaha ayaa dhanka kale boggaadiyay ciidanka amniga sida dhiiran ee ay uga jawaabeen dhacadaadaasi. Iyagoo guddi ka kooban Wasaaradaha, Ammaanka, Caafimaadka, Arrimaha Dibadda, Awqaafta, Dhalinyarada u saarey wax u qabadashada dadka ugu daran ee Xaaladdooda caafimaad aan Waddanka gudihiisa wax looga qaban karin si dibadda loogu qaado. Wasiirka Macdanta iyo Batroolka. Maxamed Mukhtaar Ibrahim ayaa golaha warbixin ka siiyay Xaaladda Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne, ayaa tilmaamay in deegaanka ay ka jirtay xaalad adag xiligii ay tagayeen, Wallow hadda ay nolosha ay dib ugu soo noqonayso. Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada Somalia ayaa magacaabay Guddi loo Xil-saaray qaban qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha xorriyadda, waxaa dowlada u Qorshaysan in ay u samayso Dabaal-dagyo aad u ballaaran oo lagu Muujinayo Weyneyta maalmaha Xorriyadda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *