Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Golaha wasiirada somaliya oo shirkoodii maanta kaga hadlay dib u ee gidda lagu samaynaayo dastuurka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, geedi socodka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maraya heer-gabo-gabo ah.in kastoo uu aad ugu dib dhacay wakhtigii loogu talagalay.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dawladda Federaalka sanadan 2016, waxa uuna soo bandhigay qaar kamid ah qodobadii isbadalka lagu sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, waxana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka oo hadda maraya heer gaba-gabo ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa Guddiyada ka soo shaqeeyey howshan baaxadda weyn ee dib-u-eegista Dastuurka KMG ah. Waxaan rajeynayaa in dhawaan ay dhamaystirmi doonto dib-u-eegistu loona gudbiyo Baarlamaanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *