Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Guddiga qabanqaabada Shirka Galmudug oo natiijo la’aan kala laabtay Cadaado

Kulan u dhexeeyay guddiga qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo oday dhaqameedyada Cadaado ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa u sheegay guddiga in gabi ahaan aysan tagi doonin magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Duqeyda Dhaqanka Cadaado ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka ayna waajib tahay in la isugu yimaado si loo dhiso Galmudug.

Sidoo kale Odayaasha ayaa la sheegay in ay doonayaan in marka hore la xaliyo tabasho ay ka qabaan dowladda federaalka, markaas kaddibna loo gudbo xal kagaarista halka lagu qabanayo shirka dib-u-heshiinta oo hadda gogo shiisu taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiinta beelaha Galmudug ayaa sheegay in go’aanka reer Cadaado u geyn doonaan madaxa dowladda Soomaaliya ee soo Magacaawday gudigaan.

Xubnaha Gudigga dib u heshiinta Galmudug oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gudigaasi Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayaa shalay galinkii dambe safar dhanka lugta ah ku soo gaaray Cadaado, waxa ayna kulamo la qaadan doonaan Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inta ay ku suganyihiin Cadaado.

Odayaasha Cadaado ayaa hore u diiday in ay ka qeyb galaan shirka dib u Heshiinta Galmudug ee gogoshiisu taalo magaaladda Dhuusamareeb waxa ayna u sababeeyeen in uu balan uga baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wali ku sugan deegaanadda Galmudug.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *