Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Guddoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Sudan oo heshiis kala saxiixday ka dib shirkii baarlamaanka carabta

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *