Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudiga doorashooyinka dadban ee 2016 oo ka warbixiyey meesha ay howlahoodu marayaan

Guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan 2016-ka (GFHDD) ayaa shir jaraaid ku qabtay magaalada muqdisho, kaasoo ay ug hadleen qorshaha doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha nagu soo wajahan. Guddomiyaha GFHDD, Avv. Cumar Maxamed  [Dhageey], ayaa sheegay inay shirka jaraa’id ay u qabteen sidii bulshada Soomaaliyeed ay ula socod siin laahayeen halka uu marayo qorshe-howleedka doorashada 2016-ka. Sidoo kale, Guddoomiye Dhagey ayaa sheegay inay Guddiga u suuro-gashay inay u qabsooman hawlo badan tan iyo markii ay si rasmi ah u gud-agaleen hawshii loo xilsaaray,  Guddomiyaha ayaa intaas ku daray in bishan lagu jiro ee sideedaad 15-keeda illaa 17-keeda, ay Muqdisho kusoo gaba-gabeyeen kulan Xog-wadaag ah oo socday muddo saddex casho ah, kaasoo u dhexeeyay GFHDD iyo Guddiga maamul-gobaleedyada doorashada dadban (GDGDD), kuwaasoo ka kala socday Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hiraan/Shabeellaha Dhexe. Ugu dambeyn, Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigu billaabay in madax-dhaqameedyada uu u qabto wacyi-gelin ku saabsan habka lagu soo xulayo xildhibaannada. Wuxuuna xusay in ergada soo xulayaan madaxda dhaqanka iyagoo kala tashanaayo odayada jufooyinka

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *