Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudiga doorashooyinka ee hirshabeele ayaa diidey iney dib u soo celiyaan liiska xubnaha dooranaya baarlamaanka xawaadle.

Beesha Xawaadle ayaa hore ugu soo gudbisay guddiyada doorashada heer gobol iyo heer qaranba liiska ergada dooranaysa xildhibaanada beesha u matali doona aqalka hoose, hase ahaatee waxa hada muuqata in Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle uu doonayo inuu wax ka bedel lagu sameeyo.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa diiday soo celinta ergada beesha Xawaadle, waxaana la soo sheegayaa in Hanjabaad kaga timid dhanka Madaxwaynaha Hirshabeelle oo u sheegay in uu kala diri doono hadii aysan soo celin, taas oo xadgudub ku ah madaxbanaanida guddiga.

Arrintan waxa ay qayb ka tahay faragelinta siyaasadaysan ee lagu hayo hanaanka doorashada 2016 waxaana guddiga doorashada heer qaran iyo beesha caalamkaba masuuliyad ka saarantahay hubinta madaxbanaanida geedi socodka doorashada si aysan u noqon mid lagu shubto.

Fara gelinta lagu haayay guddiyada doorasho ee heer dowlad goboleed ayaa isa soo tarayay, iyadoo maamulada qaar loogu baaqay inay u madax banaaneeyaan, waxaana isa soo tarayay cabashooyin xooggan oo ka imaanayay beelaha qaar oo ku doodaya in liisaska ergooyinka ay gudbiyeen laga tir tiray, kuwa kale oo shaqsiyaad ay wataan la qortay.

Loolano adag ayaa ka taagan kuraasta Xildhibaanada ee ka imaanaya Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beesha Xawaadle, waxaana arrintan saameynteeda laga dareemay Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyn oo ah halka saldhiga u ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah 135-ta Duubab dhaqameed.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *