Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudiga qaabilsan aminga doorashada la fiyo oo ku kulmay magaalada muqdisho

Guddiga Amiga doorashooyinka qaran ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Kulankan oo ahaa mid la is weydaarsanayay talooyinka dhanka amniga ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiil ka socotay AMISOM, Qaramada Midoobey iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka OMar Dhagey ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka dalka ka dhici doona in si nabadgelyo ah ku dhacdo, isagoo baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu baaqay in shacabku gacan ku siiyaan ciidamada sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, isla markaana qeyb ka noqdaan in doorashadu si nabadgelyo oo lagu kalsoonaan karo dalka uga dhacdo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in meelaha doorashada ka dhaceyso la geyn doono Ciidamo AMISOM, sida degmada Cadaado oo qorshuhu yahay in dhowaan ciidamo AMISOM tagaan.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *