Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudoomiyaha baarlamaanka mudane jawaari ayaa la kulamay dhalinyarada ku jirta baarlamaanka

6 marso 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaanada Dhalinyarada ah ee ku jira Golaha shacabka.

Kulankan ayaa ku aadanaa hagida mustaqbalka dalka, iyo kaalinta dhalinyarada ka qaadan karaan nabad iyo Horumarka dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa dar-daaran iyo dhiira gelin u jeediyay dhalinyarada Xildhibaanada, isagoo xusay in dhalinyarada ay yihiin madaxda dalka hoggaamin doona.

“Waxaad tihiin xoogga Baarlamaanka waxaad mas’uul u tihiin dhalinyaradeenna badaha ku dhammaanaya, kuwa qoryaha sita, kuwa aan waxbarashada heysan, sideen ku raadin karnaa xaqa ka maqan dhalinyarada aad meteshaan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari oo sii hadlayay ayaa yiri “dardaarankeeyga ugu weyn wuxuu yahay iska iloow qabiil waxaad meteshaa dhalinyarada sideen uga shaqeynaynaa in aad dalkan u diyaarino dhalinyarada si ay u hogaamiyaan”

Tirada Xildhibaanada Dhalinyarada ee ku jira Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaraya illaa 76, waxaana la rumeysan yahay in dhalinyaradan ay qeyb ka ahaayeen is bedelkii bishii hore ka dhacay dalka.

234-2d

234-2d1

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *