Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Gudoomiyaha Gobolka Mudug P.land “Dadkii Khayre soo dhoweeyay Dambiilayaal Maaha, Lacagna la celin maayo”

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta goor-dhaweyd la hadlay ayaa beeniyey in dib loo celinayo lacag dhan $220Kun dollar ah taasi oo dowladda Soomaaliya ay ku taageertay dayactirka garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee Gaalkacayo.

Guddoomiye Axmed ayaa dhinaca kale beeniyey in ay jiraan ciidamo ay Puntland gaysay magaalada Gaalkacayo si ay u xidh-xidhaan dadka la safan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya , wuxuuna yidhi:

“Dadkii Kheyre soo dhaweeyey danbiilayaal maaha, dad la xidhayaana majirto, ciidan Gaalkacayo yimi ma jiro, wixii is maandhaaf ahna wada-hadal ayaan ku dhameysanaynaa”.

Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo uu Jiro Khilaaf u dhexeeya Puntland iyo Dawladda dhexe, Islamarkaana Boosaaso lagu xidhay Gudigii dhismaha Jidka Boosaaso, kadib dhaqaalle ay ku taageertay dawladda Federaalku.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *