gudoomiye ilka xanaf oo laga xayuubiyey xilkii
|Waxaa la sheegayaa in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilkii ka qaaday gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid ilka xanaf uuna magacaabay gudoomiye cusub.shikii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdhish ayaa laysku raacay in la bedelo magacyada maxkamadahiyo garsoorayaasha qaarkood.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegtadan ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Muqdisho, waxaana uu xilka kaga qaaday gudoomiye Ceydiid ilka xanaf, waxaana uu u magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan.
Ilka Xanaf ayaa xilkan hayay mudadii ay jirtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku yimid wareegto magacaabis madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Dhowaan Ilka Xanaf waxa uu aad u dhaliilay hanaanka dowladeed ee madaxda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay madaxdu waxba ku soo kordhin maxkmadda sare intii ay xilka hayeen.musuqmaasaq hareeyey maxkamadaha iyo maamulka dowladda oo uu Iyana tilmaamay