gudoomiye jawaari oo go’aamo cusub ku soo rogey barlamaanka
|Guddoomie Jwaari, gudoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Prof Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa manta ku soo saaray amaro cusub, amaradaasoo lagaga mamnuucayo baarlamaanku in ay ka baxaan dalka gudihiisa, inta uu socdo kalfadhiga hadda oo ah kan ugu dambeeya ee ay yeelan doonaan baarlamaanka federalka somaliya .
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in la qaban doono shaqo adag oo ay ugu horeyso meelmarinta Sharciyada u baahan Ansixinta iyo ka doodis lagu sameyn doono arrimaha muhiimka ah ee Xukuumaddu soo gudbin doonto sida qaabka doorashooyinku u dhacayaan,iyo go’aankii ay madashu gaadhey dhowaan.
Fadhigaay isugu yimaadeen xildhibaanadu maanta intii uu socdey waxaa kaloo la amray in aysan jirin doonin xildhibaano gudaha magaalada joogo oo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisulwasaare Sharmaake ayaa looga yeeray Xarunta baarlamaanka 30 April 2016 si uu faahfaahin dheeraad ah uga bixiyo arrimaha doorashada Soomaaliya, sidaas oo kalena u sharaxo qaabka Madasha Wadatashiga ee Soomaalidu ugu heshiiyeen qaabka doorashadu u dhici doonto.