Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka federalka somaliya oo gaadhey garowe

Mahad Cabdalla Cawad oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweyay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa soo dhaweyn ka dib waxa uu saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Waxa uu sheegay mahad Cabdalla Cawad in imaatinkiisa Puntland ay ku aadantahay wada tasho uu Dowladda kala yeelan doono kulamo waaweyn oo soo foolleh kuwaa soo ka dhici doona Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waxa uu sheegay in gaar ahaan uu puntland kala hadli doono Qorsheynta shirweyn oo looga hadlayo Dastuurka kaa soo Garoowe ka dhacaya dhowaan, waxaana uu intaas ku daray in uu ku faraxsanyahay kana faaiideysan doono maalmaha kooban ee uu ku suganyahay Puntland.

Cawad ayaa intaasi raaciyay in uu ku faraxsanyahay soo dhaweyntii loo sameeyay iyo in uu ka mid noqdo wafdigii uu hogaaminayay Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ee ka soo soo raacay Degmada Caabudwaaq.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *