Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Gudoomiye Yariisow oo ku Geeriyooday Dalka Qatar iyo Wararkii u dambeeyay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qatar ayaa sheegaya inuu Geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] oo ku dhaawacmay Qaraxii dhowaan ka dhacay  Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay   Muqdisho,   Waxaana Gudoomiye Yariisow uu kamid ahaa Dhaawacyo Xaaladoodu culus tahay oo dalka Debediisa loo Qaaday.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida Eng. Yariisow oo muddo todobaad ku jira xaalad koomo ah oo dhaqaatiirtu la tacaalayeen, waxaana dhaawaca ugu culus uu ahaa dhanka madaxa.

War kasoo baxay Telefishinka Dawladda  ayaa sidoo kale Lagu xaqiijiyey Geeridiisa “Alle ha u naxariisto Guddoomiye Abdirahman Omar Osman eng Yariisoow waxa uu koldhow ku geeriyooday magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar, geeridiisa waxaa inoo xajiiyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Hon Khadija Mohamed Diriye iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa oo isbitaalka la joogay.”

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *