Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wareegto /gudoomiyihii gobolka banaadir taabid ayaa xilkii laga qaaday loona magaacabay gudoomiya gobolka banaadir Eng C/raxman Cumar (yariisow)

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)

-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

 

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

 

Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;

 

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

 

  • Aadan Sheikh Cali Fidowwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud

 

  • Xoghayaha Guudwaxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak xuseen

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dhow la wareegay ammaanka xarunta Gobolka Banaadir ee dowladda Hoose, iyadoo la kala eryay Ciidamadii booliska ee ku sugnaa xarunta.

Ciidamada la wareegay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa isugu jira Nabadsugid iyo Ciidamada gaarka ah ee dowladda.

La wareegitaanka Ciidamadan ee xarunta Gobolka Banaadir ayaa timid, kaddib markii xalay saqdii dhexe ciidamo fara badan lagu hareereeyay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid oo xilkan hayay muddo ku dhow sagaal bilood, iyadoo lagu bedelay Wasiirkii Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Dowladda Federaalka ayaa ku dhiiratay inay soo afjarto xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, inkastoo aan la ogeyn halka uu xaalka ku dambeyn doono.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *