Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

guri ay deganaayeen masuuliyiin kala duwan magaalada muqdisho ayaa bam gacmeedyo lagu weeraray

Guriga ayaa waxaa degenaa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo dhowr Xildhibaano ah, waxaana lagu weeraray labo bam gacmeed.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamar weyne G/Dhexe C/qaadir Axmed Shire ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay bam gacmeedka, halka saddex kale oo aheyd ilaalada Wasiirka ay ku dhaawacmeen.

Boolisku waxa ay sheegeenaxa  afar qof oo looga shakisan yahay inay bam gacmeedka tuureen ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay wadaan baaritaan.

Waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddex askar waa ku dhaawacmeen, howl gal baa socda, waxaa guriga bambaanada looga tuuray meel luuq oo mugdi ah, baaris ayaa socota, afar qof oo meesha ka ag dhowaa ayaa loo hayaa”ayuu yiri Taliyaha Booliska Xamar weyne.

Weerarka bambaano kadib ayaa la maqlayay rasaas ay ku jawaabeen Ilaalada Guriga ku sugnaa, lama oga in guriga joogeen iyo in kale masuuliyiintaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *