Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Haweenaydii ugu horaysay oo Xil Muhiim ah ka Qabatay Wasaarada Gaashaandhiga DF Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u magacaabay Jihaan Cabdilaahi Xasan oo noqoneysa Haweeneydii u horeysay ee Agaasime ka noqota Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu wargeliyay magacaabidan Hey’addaha dowladda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka magacaabida ayaa ku qornaa in laga bilaabo 1-da bisha Sagaalaad in si KMG ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Jihaan Cabdilaahi Xasan, waxaana lagu bedelay Warsame Maxamuud Xasan oo hayay xilkaas.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *