Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Heshiis la sheegay in laga gaaray Gaaray Dagaalladii Beledweyne

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa goob-joog ka ahaa hishiis rasmi ah oo gelinkii danbe ee maanta ay ku gaareen Beledweyne waxgaradka beelihii dhawaan ku dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Munaasabadan kooban oo lagu qabtay xaruunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay 6-qodob oo ay ku heshiiyeen labadii beelood ee dhawaan dirirtu ku dhaxmartay xaafadda Hol-wadaag, iyadoo labada dhinac ay soo dhaweeyeen heshiiska, isla markana ay qaateen nabadda.

Nabaddoon Maxamed Sheekh Aadan oo ka mid odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in odayasha dhaqanka ay mar walba u tagan yihiin xalinta khilaafaadka soo dhax gala bulshada, balse dowlada Federaalka ay dhinaceeda ka gaabisay isagoo sheegay inuu soo laalaabtay dagaalka u dhexeeya labada beelood , isla markaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in la dhaqan-galiyo heshiiskaan laga gaaray dagaaladii ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag.

Wasiirka Bartroolka iyo kheyraadka Badda Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa sheegay in Wasiirada Xildhibaannada iyo siyaasiinta gobolka Hiiraan ay ku dadaalayaan in gogasha shirka maamul u sameynta gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qabto Baladweyne, isla markaan caasimadda laga dhigo Baladweyne, laakiinse haddii ay si socdaan dagaalada noocan ah aysan suuro-gali karin in shirka iyo caasimadad laga dhigo Baladweyne; isagoo kula dar-daarmay inay ka shaqeeyaan nabadda.

Sidoo kale, Wasiirka Aminga Somalia, C/risaaq Cumar ayaa sheegay in labada dhinac ee dhawaan dagaalladu ku dhexmareen xaafadda Howl-wadaag looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan hishiiska maanta la gaaray isago kula dardarmay labada beelood in ay fuliyan Hishiiska.

Qodobbada lagu Heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen;

1. Dhaqan-gelinta iyo adkeynta xabad-joojintii ay kala saxiixdeen labada beelood 15-Dec-2015. Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara colaad dambe – Af iyo Adinba.

2. In dhammaan goobihii dagaalladu ka dhaceen ay ahaadaan kuwa ka caagan wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah. Mas’uuliyadda Ammaanka looga dambeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

3. Inay ballan-qaadayaan cuqaasha iyo mas’uuliyiinta labada beeloodba inay ilaalinayaan amniga iyo xasiloonida magaalada, wixii labada beelood dhexdooda ahna loo saarayo gudi soo baara kaddibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odoyaasha dhaqanka labada beelood iyo odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan.

4. Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha reer Hiiraan waa in loo maraa wada sharci ah. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax ka qabashada wixii tabasho maamul ah ee ay qabaan beelaha reer Hiiraan.

5. Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay dhaqan-gelinta heshiiskaan tillaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyada dhaqangelinta heshiiskaan mas’uul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo is-kaashanaya.

6. Heshiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la saxiixo.

Dhanka kale, Heshiiskaan ayaa waxaa Beesha Jajeele u saxiixay, Xaaji Maxamed Goosaar Guure, halka Beesha Gaaljecel uu u saxiixay, Nabadoon Cumar C/llaahi Cali.

GOOB-JOOGE; Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiraan Col Osman Dubad Sugulle.

DAMAANAD-QAADE: Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *