Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Howlgal ay si wadajir ah u Fuliyeen DF Soomaaliya iyo Maraykanka [Warbixin]

War kasoo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda oo kaashanaya Taliska Mareykanka Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ay ku dileen labo xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa fuliyay diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka sida lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Waa duqeyntii saddexaad muddo ka yar toban maalmood Diyaaradaha Duulliye la’aanta ay ka geystaan Isla deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *