Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Howlgal Ciidamada NISA Ka fuliyeen Muqdisho iyo Dad badan oo lagu Qabtay

 Ciidamada Gaarka ah ee NISA ayaa xalay howlgallo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka mid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo qabtay dhalinyaro badan.

Sida wararka sheegayaan, howlgalka oo ahaa mid guri guri ah waxa uu si gaar ah uga dhacay aagga Isbitaalka Soomaali Jarmal oo tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan ay ka dhaceen dhowr weerar oo ay geysteen dhalinyaro bistoolado ku hubeysan oo Shabaab ah.

Ciidamada ayaa howlgalka ku soo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, iyagoo dadka qaar kala soo baxay guryohooda, halka kuwo ay ka qabteen iyagoo maqaaxiyo ka cunteynaya, waxaana dhalinta ugu badan ay ahaayeen kuwo gacanta lagu dhigay iyagoo wadada maraya.

Qof kamid ah dadkii baaritaanada lagu qabtay balse markii danbe la sii daayay ayaa sheegay in Ciidamada ay isku shaandheyn dheer kadib hore u kexeysteen labaatameeyo qof oo ay uga shakiyeen iney door ka qaateen falalka amni darro ee degmada ka dhacay.

Degmada Boondheere waxaa maalmihii u danbeeyay lagu dilay laba qof oo midi ahaa nin hore usoo noqday Gudoomiye Kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasada Boondheere iyo Wiil dhalinyaro ah oo u shaqeynayay Wasaarada Amaanka Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *