Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ildhibaano Xasaanada laga Qaaday, iyo Cabdi ILEY oo Maxkamad ka hadlay [Wararkii ugu danbeeyay]

Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah.

Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaadhka ahaa Axmed Ilkacase ooe xilka uga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

Xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen xubnihii abaabulay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga ee sababay dhimashada dad gaaray 58 qof.

Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Aadan Faarax ayaa dhawaan sheegay in uu fashilmay afgambi lagu doonayay in lagu sameeyo Maamulka cusub.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar ayaa isaguna todobaadkii la soo dhaafay sheegay in laga guuleystay kuwo uu ku tilmaamay haraadiga Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaswadayaal ahaa.

Dhinaca kale  Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ( ILEY)  oo shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad.

Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *