ilhaan cumar oo u sharaxan senetka gobolka Minnesota xisbiga dimuqraadiga ayaa heshay kalsoonida xisbiga
|kulan ay sameeyeen Xisbiga Dimuriqaadiga ah ee Minnesota, ayaa Kalsoonidii Musharraxnimo siiyay ilhan Omar oo iyadu ku guulaysatay tartan ay wada galeen Phyllis Kahn iyo Mohamud Noor oo Iyana u tartamayey jagadan.
Ilhaan Omar ayaa si buuxda u noqotay musharaxa xisbigeeda u tartamaya bisha November ee 2016-ka, doorashada ka dhacaysa gobolka mennisota ee dalka maraykanaka iyadoo noqon doonta xildhibaanka haddii ay ku guulaysato codadk
Taageerayaasha ilhaan ayaa sheegay inay tani tahay farxad kale mar hadii aan helnay Kalsoonidii Xisbiga,
Dhanka kalena, Mas’uulka ugu sareeya Xisbiga Dimuriqaadiga ee Minnesota Ken Martin ayaa soo saaray waraaq wuu ku taageerayo musharxnimadda ilhaan Omar iyo musharaxiin kale oo xalay kalsoonidii Xisbiga helay.
Ugu dambyn, Ilhaan ayaa waji doonta tartan kama dambeysa ay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee la safan Doland Trump oo ah wiil Somali ah oo lagu magacaabo Cabdimalik Askar