Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ilka xanaf oo eedayn kulul u soo jeediyey dowladda federalka ah

Maxkamadda sarre dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn adag u jeedisay dowladda waqtigeeda sii dhamaanaya ee ay madaxda ka yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rishiid Cali .

Abuukaate, Ceydiid Ilka Xanaf oo ah gudoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda Soomaaliya aya sheegay in Aanay dowladda federaalka ee haatan jirta waxba ka qabanin garsoorka islamarkaana aanay ogoleen in wax lagu kordhiyo golaha garsoorka ee jira.

“taano laguma kordhinin garsoorka soomaaliya, soo jeedinno aan soo jeedinay xitaa lama ogola in la howlgeliyo, Canaan waxan ku muteysano garanmeyno” sidaasi waxa yiri gudoomiye ilka xanaf.

Waxa uu sidoo kale Sheegay Ilka xanaf in aan la magacaabin garsoorayaal tan iyo wixii ka dambeeyay xukuumadii Shariif Sheekh Axmed,

Ilka xanaf waxa kale oo uu tilmaamay in aanay aqoonsaneyn garsoorayuaal ka tirsan dowlad goboleedyada hada ka jira dalka , isagoo ku xiray in la helo xeer dib u eegid lagu siiyo awoodooda ma ahane.

Dhageyso Hadalka Gudoomiyaha maxkamadda Sare ee Soomaaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *