Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Injineero qiimayn ku samaynaya wadada ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Waxaa maanta gaadhey magaalada Badhan injineero qiimayn ku samaynaya wadada dhowaan la filaayo in laga hirgeliyo inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceeldaahir iyo Ceerigaabo sidaasi waxaa sheegay gudoomiyaha gobolka Sanaag oo u waramay golaha 1960 Mahamud Ciyoon ,waxaana injineeradaasi magaalada Badhan ku soo dhoweeyey waxgaradka iyo dadweynaha ku nool magaaladaasi iyagoo faraxsan dhismaha wadadaasi.

Wuxuu sheegay gudoomiyuhu iney qiimayntaasi qaadan doonto muddo 45 casho ah,ka dibna la bilaabi doono dhisamaha wadadaasi.Gudoomiyuhu wuxuu u mahad naqay dhamaan dadkii ka qayb qaatay abaabulka iyo dhaqaale ururinta,sidoo kale wuxuu xusay in dowladda puntland ay ka go’an tahay in mashaariicda lagu fuliyo mabda’a isku tasho.

Waxaa horay uga socdey magaalada Baran mashruuca aadka u balaaran  ee dhismaha jaamacadda Maakhir oo la rajeynaayo inuu dhamaado sanadkan  dhamaadkiisa.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *