Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

is rasaasayn ka dhacday magaalada bosaso oo keenatay dhimasho

Askari ka mid ah ilaalada guddoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige, ayaa ku dhintay labo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar xalay ay kusoo qaadeen rag hubeysnaa oo aan weli heybtooda la garan.

Labada qof ee dhaawacmay ayaa midkood uu ilaalada Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari ka mid ahaa halka qofka kale uu ahaa qof rayid ah oo marayay Isgoyska Afar Irdoodka ee Laamiga dheer ee dhex mara magaalada Boosaaso halkaas oo israsaaseyntu ka dhacday.

Dagaalkaa ayaa dhacay xalay abbaare 8dii fiidnimo markii ragga hubeysan ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada u ahaa Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige.

Saraakiisha ammaanka ee gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan baaris la xiriirta ragga weerarka geystay iyo heybtooda sidii lagu aqoonsan lahaa. Si kastaba ha ahaatee, ururka al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas sida ay baahisay idaacadda Andalus ee afka al-shabab ku hadasha.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli qeyb ka mid ah gobolada nugaal iyo bari ay ka socdaan dagaalo ciidamada Puntland ay ku baacsanayaan maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doonyo

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *