Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

isimada puntland oo go’aan ku meelgaara ka soo saaray muranka dekeda bosaso

Isimada Puntland oo maanta shir ku qabtay Hotel Gacayte ee magaaladda Bosaso ayaa soo bandhigay go’aan lagu xalinayo muranka ka dhashay kordhinta khidmadaha iyo cashuurta ee badeecooyinka ka soo dega dekeda Bosaso . Murankaasi ayaa hakad galiyay howlihii dekeda iyo guud ahaan ganacsiga magaaladda.

Qoraalka isimada oo  ka koobnaa afar qodob waxaa ku saxiixnaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Farax, Suldaan Ciise Maxamed Ciise iyo wakiilka Beeldaajaha, Beeldaaje Yaasin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana lagu sheegay inuu yahay Kumeel gaar ah.

Go’aanka ay soo saareen isimada Puntland waxaa shirka ka akhriyay Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana uu u qornaa sidatan:

Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Markaan xogwaraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda

  1. In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.
  2. In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.
  3. In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.
  4. In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *