Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Kenya oo War Cusub kasoo saartay Ciidamada ka Jooga Gudaha Somalia

Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka.

Kibochi ayaa sababta ku sheegay in weli Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro, ayna sii wadayaan ciidamadooda howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii ay ka howl-galayeen Soomaaliya ciidamada Kenya ay guullo waa weyn gaareen, isla-markaana haddii ay ka baxayaan ay khasaarayaan guulihii ay horey u gaareen, sida uu hadalka u dhigay taliyaha guud ee ciidamada wadanka Kenya.

“Waxaan guulo ku gaarnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale wuxuu hadalkan kusoo aadayaa, iyada oo Ururka Midowga Yurub (EU) iyo la-howl-galayaashooda caalamiga ah ay in ka badan kala bar dhimeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanka argagixisada Alshabaab.

Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeeyey qiyaano ay sameysay dowladda Kenya oo la sheegay qaar kamid ah ciidamadeeda ay si qarsoodi ah ugala baxdaygudaha  Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Ururka Midowga Yurub.

Si kastaba Golaha ammnka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii March ee 2020-kii, meel-mariyay qaraar ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uga baxayaan Soomaaliya bisha Decembar 2021, iyaga oo shaaciyey in amniga ay la wareegayaan ciidanka Xoogga dalka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *