Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

K/Galbeed oo go’aan ka Qaadatay In la qabto Shirar ka dhan ah DF-Somalia

Baydhabo ( Kalshaale ) Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in deegeenada Maamulkaasi ay ka mamnuuceen in lagu qabto shirarka looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ka Warbixinaayay qodbadii ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Maamulkaasi ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhamaan Maamulada degmooyinka uu gacanta ku haayo Maamulka Koonfur Galbeed , Godoomiyaasha Gobolada Saraakiisha Ciidamada in ay fuliyaan amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaah gudaha,isla markaana aanb la ogolaan shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan aqbalidoonin shirar siyaasadeed oo aan la Ogaysiin Wasaaradaha Amiga iyo Armaha Gudaha ay Cidii qabata u qoonsa doonaan qaswadayaal sida uu hadalka u dhigay.

Maalin ka hor ayay heed Markii Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya kulan ay ku yeesheen Siyaasiyiin iyo Waxgarad ay ku dhaliileen Xanibaadii Duulimaadka aheed ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shaariif Sheekh Axmed Dowlada Soomaaliya ugu diiday in uu u dhoofo Magaalada Kismaayo oo uu ugu qayb gali lahaa Caleema saaraka Axmed Madoobe.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *