Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Khasaaraha Qarax gaadhi oo Muqdisho ka dhacay, dhaawac iyo dhimashana geestey

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay, Halka  kuwa kale ku dhaawacmeen, Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Koontarool Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Sarkaalad Ciidan oo lagu magacaabi jiray Col. Faay Cali Ragge oo ka mid aheyd Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale seygeeda iyo Ilaalo la socotay ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay.

Labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa dhaawacyo fudud soo gaareen, waxaana qaraxa maanta uu ku soo aaday, xilli ammaanka Caasimadda si aad ah loo adkeeyay, isla markaana ay jireen feejignaan badan oo la xiriira in gaadiid qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada.

Ururka Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda Qaraxa ayaa sheegay in ruux Naftii halige ah uu ka dambeeyay qaraxa, kaasi oo kaxeynayay gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, Islamarkaana  ay  la eegteen saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xiligaasina waxay joogeen goob lagu baaro gaadiidka doonaya inuu maro wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *