Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

khriso madasha Dastuurka oo baaq deg deh kaso saartay khilaafka DFS & Golaha Iskaashiga dawlad goboleedyada dalka

Madasha guddiyada Dastuurka Soomaaliya ayaa shirkan muddadii uu socday uga doodayay dib u eegista iyo turxaan-bixinta 5ta cutub ee ugu horreeya Dastuurka Soomaaliya.

Guddiyada Dastuurka madashu kulmisay ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa isku’raacay in si dhakhso ah loo bilaabo wax ka beddelka iyo dib u eegista 5-ta cutub ee looga dooday shirkan,islamarkaana dhinacyadu ay wada-tashi ula noqdaan degaannada ay ka kala yimaadeen.

Sidoo kale warmurtiyeed ka soo baxay madasha ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka loogu baaqay in ay heshiis deg deg ah ka gaaran qodobka 54 aad ee Dastuurka dalka oo la xiriira awood-qeybsiga,si looga hortago dib u dhac ku yimaada dhammaystirka cutubyada dib u eegista u baahan.

83

83a
Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *