Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Kongarayska Maraynaka oo Qaatay Go’aan Dhabar jab ah ku ah Xulufada Sucuudiga

Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixiyey mooshin ay soo diyaariyeen xisbiga Dimuquraadiga oo lagu joojinayo kaalinta uu Maraykanka ku leeyahay dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Maraykanka ayaa xulafada Sacuudiga iyo Imaaraatiga ka caawiya dhinaca saadka iyo sirdoonka hawlgalada ay ka wadaan Yemen, xulafada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyey inay xasuuqyo iyo danbiyo-dagaal ka galeen dalka Yemen.

Xildhibaano gaaraya 247 ayaa u codeeyey mooshinkan halka ay diideen 175 xildhibaan, waxaana mooshinkan oo uu sidoo kale horey usoo ansixiyey Aqalka sare ee Senate-ka loo gudbinayaa Madaxtooyada (Aqalka Cad), hase-yeeshee Madaxweynaha Donald Trump ayaa la filayaa inuu codkiisa VETO ku laalo sharcigan maadaama uu isagu si weyn u taageero siyaasada Boqortooyada Sacuudiga.

Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayey hay’adaha caalamiga ah ee xaquuqul insaanka ku eedeeyeen inay xasuuqyo ka geysteen goobaha shacabka oo ay si ulla kac ah u duqeeyeen, waxaana ku jira goobaha ay burburiyeen iskuulo, isbitaalo iyo suuqyada magaalooyinka waaweyn ee wadanka Yemen.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *