Faah Faahin ayaa ka soo bexeysa dhaawaca xildhibaan ka tirsan baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib weerar goor dhoweyd lagu qaaday xili uu ku sugnaa suuqa bacaadlaha degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye ayaa ku dhaawacmay rasaas ay huwiyeen koox dooneysay in ay dilaan, waxaase ka difaacay ilaaladiisa kuwaas oo laba ka mid ah ay goobta ku dhinteen.

Dhaawaca xildhibaanka ayaa la soo sheegayaa in uu yahay mid culus, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitalka magaalada Muqdisho ku yaala ee daarul shifa,

Dhowan ayaa xildhibaankan loo dhaariyay xilka xubin nimada baarlamanka, welina lama aqoonsan kooxda weerarka la eegtay inkastoo dowladda federaalka ay eedaas dusha u saarineyso kooxda dagaalka kula jirta ee Alshabaab.