Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

kooxda daacis ayaa la wareegtay maamulka degmada qandala ee gobolka bari

Dagaalyahano la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Wararka aan ka heleyno magaalada Qandala ayaa sheegaya in ciidamada oo lagu qiyaasay 45 dagaalyahan iney la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi oo ka tirsan gobolka Bari.

Deegaanka Qandala ayaa qiyaas ahaan 75 km u jirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, mana jiraan ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Jaamac Axmed Khuurshe oo ah gudoomiyaha deegaanka Qandala ee gobolka Bari ayaa xaqiijiyay waaberigii saaka ciidamada Daacish ay la wareegeen deegaanka iyagana ay isaga baxeen degmadaasi, sida uu sheegay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahanada la wareegay Qandala ayaa  fariisin ka dhigtay Daarta Cad oo ah goob ay caan ku tahay.

Dagaalyahanada ayaa waxaa  hogaaminaya Sheikh C/qaadir Muumin oo ku dhawaaqay inuu wakiil Daacish kaga yahay deegaanada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

Deegaanka Qandala ayaa ah deegaan xeebeed istiraatiiji ah,oo wakhtiyada qaarkood gaadiidka badda maahee aanu tegin gaadiidka dhulku.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *