Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ku simaha madaxweynaha somaliya xasan sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qaabilsanaha Q M qaxootiga somaliya

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.oo horay u ahaan jirey u qaabilsaha IGAD somaliya.

Xasan sheekh iyo ergeyga ayaa ka wadahadley sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Ku simaha Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ergeyga cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida.

Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan cusub ee loo soo magacaabey, uuna rajeynayo inuu si buuxda uga shaqeeyo barnaamijyada lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool iyo barakaceyaasha ku nool gudaha dalka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *