Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

kulan ay yeesheen baarlamaanka jubbaland ayey ku ansixiyeen codsigii madaxweynaha.

Kulan ay saaka yeesheen Barlamanka jubbaland ayey ku meel mariyeen codsigii sedexaad ee uu Madaxweynuhuu soo gubiyey ayaa waxaa soo xaadiray 56 Xildhibaan, 49 xildhibaan oo ka mid ah waxay u codeeyeen in mudada uu Codsaday Madaxweynuhu loo kordhiyo, Lix ayaa diiday hal xildhbaana waa uu ka aamusay.

Dastuurka Jubbaland ayaa qoraya in Marka la doorto Madaxweynuhu  uu Golihiisa ku soo dhiso 21 cisho gudohood, Waqtigaas ayaana Madaxweyne Axmed Islaam oga bilaabanayey 16 Bishoo Ogoosto 2015 Wuxuuna oga ekaa 5 Sebteemar 2015. Madaxweynaha ayaa codsaday xiligaas in mudo 60 cisha ah loogu daro waqtiga uu ku soo dhisayo Golaha Xukuumada. Mudo kordintaas ayaana ku ekeyda 5tii Bishii Nofeenbar ee isla sanadkaas.

Balse caqabdo jiray aawadood, Madaxweynaha ayaa mar labaad Golaha Barlamka ka codasay in loogu daro mudo 90 cisho ah, waa in ka badan intii uu horey u codsaday. Tani ayaa ka dhignayd in uu Madaxweynaha soo magacaabi doono Golihiisa Xukuumada horaantii bishaan maarso ee aan ku guda jirno. Waxayse noqotey in maanta oo Axad ah ay Goluhu ka fadhiistaan mudo kordin sedexaad oo ay u sameeyaan madaxweynaha si uu u soo dhiso dowlad tayo leh.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *