Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

kulankii baarlamaanka oo maanta lagu kala dareeray

Fadhi ay yeesheen  Baarlamaanka federalka  soomaaliya aya maanta ku soo dhamaday   is qabqabsi ka dib markii xildhibaanada qaar qeylo dheer ugaga soo horjeesteen cod la gelin lahaa mooshinkii laga keelay maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Markii loo diyaar garoobey balankii ahaa in loo codeeyo mooshinkii laga keenay maamul u samaynta gobolada shabeelaha dhexe iyo hiiraan.  kulanku furmay ayaa waxaa lagu dhawaaqay in xildhibaanadu codeyn geliyaan mooshinka ka dhanka ah Shirka ka socda Magaalada Jowhar ee Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, balse waxaa dhacay isfahanwaa iyadoo xildhibaanada qaar ku sigteen inay isu gacan qaadaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa diidan in baarlamanka uu cod geliyo u codeynta mooshinkaas, halka qaar kale ay doonayaan in mooshinka isla maanta codka loo qaado baarlamankuna meel mariyo.

Fadhigii uGu dambeeyey ayey aheyd markii eed ka dhan ah dowladda Soomaaliya ay xildhibaanadu ka keeneen kaalinta ay ku leedahay Shirka ka socda Magaalada Jowhar ee Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, iyadoo mooshin loo gudbiyay gudoomiyaha baarlamanku aheyd kan maanta la isku qilaafay laguna kala kacay lamana sheegin wakhti dambe oo laysugu soo noqon doono.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *