Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Soomaaliya Iyo Madaxwaynaha Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel oo ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Si gaar ah waxa ay dul istaageen, Xaaladda Amniga, Dhaqaalaha, isbadalka Ciidamada iyo Taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siiyaan si dib udhis muuqdo dalka loogu sameeyo.

Midowga Yurub waxaa Soomaaliya kaga sugan Macalimiin Ciidan oo tababar siiya Ciidamada Dowladda, sidoo kalena la wadaago khibradaha iyaga oo ka taageera qalabka ay ku howlgalayaan.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL, waxayna iska wareysteen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub waxa uu qayb ka ahaa Madaxda ka baxsadan Qaaradda Afrika ee sanadkaan ka qaybgashay Shirkii 33-aad ee Midowga Afrika ee Addis Ababa lagu qabtay 9-kii iyo 10-kii bishaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *