Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

lhaan Cumar oo ka mid noqotay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Kongresska Maraykanka

Ilhaan Cumar oo ka mid ah aqalka Kongresska dalka Maraykanka ayaa loo doortay inay xubin ka noqoto guddiga u qaabilsan arrimaha dibada Kongresska dalka Maraykanka.

Afhayeenka Kongresska Nancy Pelosi ayaa u dooratay Ilhan xubinimada iyadoo weliba ka mid ah xubnaha ku cusub Kongresska Maraykanka.

Magacaabida loo magacaabay Ilhan Cumar inay ka mid noqoto xubnaha Guddiga Arrimaha  Dibada ee Aqalka Kongresska ayaa waxaa aad uga naxay  maamulka Israel oo u arka in Ilhan ay tahay qof dhuunta u geli karta siyaasada Israel ee dalka Maraykanka.

Wargeys kasoo baxa Israel ayaa  daabacay in ay  Ilhaan hore looga soo xigtey ereyo ay ku cambaareyneyso Yuhuuda ayna tahay qof dhibaato ku noqon karta xiriirka Yuhuuda  iyo Maraykanka.

Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Kongresska ayaa  ah mid awood ballaaran leh waxana  uu dusha kala socdaa dhamaan gargaarka dibada ee dowlada Maraykanku bixiso,ammaanka  qaranka ee saameynta ku leh  siyaasadda dibadda,heshiisyada,nabad ilalaalinta iyo wadamada awoodda leh ee dunida.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *