Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federalka iyo maamulka s/land

sawirka golahaDhowaan waxay maamulka somaliland soo saareen go’aan ay ku tilmaameen in lagula dhaqmaya dadka somalida ah ee aan u dhalan maamulka S/land ,taasi oo ay yiraahdeen dadka somalida ahi  waa iney  ku soo galaan Baasaboor dadka tegayana qofkii aan haysan Baasaboor  iney bixiyaa lacag dhan  15 dollar ayna qaataan warqad ay ku sheegeen (go home) taasi oo ay sifeeyeen iney yihiin dowlad gooniya dadka somaliyeedna ay la mid yihiin dadka itoobiya ,kuwa kiiniya iyo dadka dalalka kale u dhashay

Madaxa laanta socdaalka ee dowldda federalka ah ganaraal Gaafow ayaa soo saaray qoraal uu u diray shirkadaha diyuuradaha  uuna u sheegay haddii aaney maamulka hargeysa bedelin go’aankooda in la joojinayo duulimaadyada ay sameeyaan shirkadaha dayuuradaha ee u dhoofa kana soo dhoofa garoomada diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera haddii aan la joojin waraaqda lagu magacaabay go homeka ee dadka lagaga qaado lacagta dalka somaliyana uu yahay hal dal.

Wasiir ku xigeenka amniga ee maamulka S/land  ayaa sheegay in aaney ka noqoneynini go’aankooda ayna yihiin dal madax banaan oo leh shuruuc u gaara.

Hadaba aan isweydiinee maxay uga jeedaan maamulka hargeysa  sharcigan cusub ee ay sheegeen iney kula dhaqmayaan dadka somalida ee aan u dhalan dhulka maamulka S/land. Aqoonsigii ay inta mudada ah ku wareereen raadintiisa ayna ku hungoobeen waxay gacanta ku hayaana aaney jirin.ay ku fikireen in ay ka raadiyaan dalka somaliya dhexdiisa ,si ay aduunyada ugu bandhigaan in ay kala yihiin laba dal maadaama ay isticmaalaan laba Baasaboor oo kala duwan ayna kala yihiin laba dal.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *