Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maamulaha huteelka maka almukarama ayaa sheegay inaanu jirin qarax lala damacsanaa huteelkiisa

Maamulaha Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho Gurey Xaaji ayaa beeniyay war ka soo baxay Nabadsugida oo ahaa in la qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu bartilmaameesado Hotelka.

Gurey Xaaji ayaa ku tilmaamay arrintaas mid la doonayo in sumcada Hotelka lagu dilo, isla markaana ay tahay dagaal siyaasadeed., waa ka xumahay, wax fiicana ma ahan, in laga been sheego oo la dhaho gaari qarax ayaa Hotelka ku soo socday, arrintaas cabasho ayaa ka qabaa”ayuu yiri Gurey Xaaji Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaariga qaraxa la sheegay inay qabatay Nabad sugidu uu ahaa mid xalay la qabtay, lana soo bandhigay, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in la dhaho Hotelka ayuu ku soo socday.

“Gaariga qaraxa xalay ayay qabteen oo soo bandhigeen, saakana waxay dhaheen Hotelka ayuu ku socday ujeedada waa in hotelkeena sumcadiisa lagu dhaawaco”ayuu mar kale yiri Gurey Xaaji.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ayaa saaka joojiyay kulan beeleed ka socday Hotelka Maka Al-Mukarama, kaasoo looga hadli lahaa doorashooyinka soo socda iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh ee afartii sano iyo fara gelin ay sheegeen inuu ka dhex wado Beelaha Hawiye.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala bartilmaameedsan rabay Hotelka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *