Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maamulka gobolada dhexe ayaa xoog ku qabsaday magaalada godin labe ee golbolka galgaduud

Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta la wareegay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, kaddib dagaal ka dhacay deegaankaas ka dib markii dhowaan laga baabiiyey isbaaro halkaasi ay dhigteen ciidamada ahlusuna waljamaaca..

Dagaalka oo markii hore dhex maray Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan, ayaa waxaa markii dambe dagaalka ku biiray ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo ka yimid deegaanka Mareer-Gur.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay deegaankaas uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana isaga baxay ciidankii Galmudug ee deegaanka ku sugnaa,

Saraakiil ka tirsan Ahlusuna ayaa sheegay in xaalada deegaanka Godinlabe ay degan tahay, isla markaana maxaabiis ka tirsan Galmudug ay gacanta ku dhigeen.

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa u ruuqaansaday dhinaca degmada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Deegaanka Godinlabe ayaa u dhaxeeya degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Cadaado, waxaana dhowaan ciidamada amniga Galmudug ka sameeyeen howl gallo lagula dagaalamayay isbaarooyinka..

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *