Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maamulka j/land ayaa soo bandhigaya rag ka tirsan alshabaab maydkooda

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la soo bandhigay meydadka afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay howl gal ka dhacay deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30KM u jirta Kismaayo.

Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howl gal ka dhacay deegaanka Buulo Gaduud ay ku dileen afar nin oo mid ka mid ah uu ahaa Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo Wariyeyaasha kula hadlayay goob lagu soo bandhigayay meydadkan ayaa sheegay in Dulyadeyn iyo labo xubnood oo kale Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada la dilay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raggan ay ku dhinteen duqeyn ay fulisay diyaarad aan la ogeyn dalka laga lahaa.

Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo lagu naaneyso Kuno ayaa horay loogu eedeeyay inuu soo abaabulay weerarkii Gaarisa, waxaana dowladda kenya ay madaxiis dul dhigtay lacago fara badan.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *