maamulka jubbland iyo hay’adda qaxootiga aduunka oo heshiis hordhaca gaaray
|Hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR iyo maamulka goboleedka Jubaland ayaa heshiis ku meel gaar ah ka gaaray soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerayaha dalka kiiniya. Heshiiskaa ayaa labada dhinac ku kala saxiixdeen maagaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose ahna caasimadda ku meelgaarka ah Jubaland shalay galinkii dambe. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in intii horay loo soo celiyay maahee qaxooti kale aan la keenin Jubaland ilaa nolol wanaagsan looga sameeyo qaxootiga lagu soo celinaayo gudaha jubbaland. Qaxootigii la celiyay ayaa dawlada Jubaland sheegtay inay weli ku dhibban yihiin meelihii la geeyay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa jubbaland sheegtay dhowr jeer iney dhibaataysan yihiin qaxootigu Ayanna waxba ka qaban Karin arimahooda waxaaana labada daraf haatan ay ku heshiiyeen in UNHCR ay saacido ayana. Dad kumanaan ah oo lagu celiyay Dhadhaab maalmihii la soo dhaafay.
Jubaland ayAA diiday in qaxootigu soo galo gudaha jubbaland arimahaa jira aawadood ku xiyirnaa Dhoobley oo u dhexeysa Kenya iyo somaliya. Waxaa heshiisku ka koobnaa 3 qodob oo uu ku jiro qodob ah in heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR ee 2013 qodobadiisii lagu dhaqmo oo lagu adkeysto si sharaf lehna loo celiyo qaxootiga oo aan halhaleel ahayn balse laga baaraan dagay.